NIN MASAAJID KU LAAYAY MUSLIMIIN OO MAXKAMAD LASOO TAAGAY

0
53

Cunsuriga caddaanka ah ee u dhashay dalka Australia oo 51 qof muslimiin ah ku dilay laba masaajid oo ku yaalla New Zealand sidookale wuxuu damacsanaa inuu masaajid seddexaad  weeraro, maxkamadda ayaana maanta billowday dhageysiga xukunka ninkaasi lagu ridayo oo soconaya afar maalmood oo xiriir ah.

 

Tarrant ayaa lagu soo dacweeyey inuu dilay 51 qof, 40 qof kalena damacsana inuu dilo iyo dacwad fal argagixisonimo. Waa marki ugu horreysay oo qorshaha uu ninkaasi damacsanaa maxkamadda lagu soo bandhigo.

 

Tarrant oo 29 jir ah ayaa wajahi doono xukun xabsi daa’im ah, xukunkaasi oo noqonaya mid aan New Zealand horay uga dhicin.

 

Dhageysiga xukunka maxkamadda ayaa maanta oo Isniin ah ka billaabanaya maxkamad ku taallo Christcurch oo ah magaalada uu weerarka ka dhacay March 2019.

 

Xayiraadaha ka dhashay Covid-19 awgii maxkamadda ayaa noqon doonto mid ay dad badan joogin.

 

Garsoore Barnaby Hawes maanta oo Isniin ah wuxuu sheegay Tarrant weerarkaasi sanad ka hor inuu qorsheynayey, wuxuuna intaa ku daray ujeeddadiisu iney ahayd “tirada dad ee ugu badan halkaasi inuu ku dilo”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here