Taliye Farxaan Qaroole oo isku day dil ka bad-baaday

0
85

Faah faahino dheeri ah ayaa waxaa laga helayaa weerar xalay lagu qaaday hoyga uu Muqdisho ka dagan yahay taliyaha ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad,Farxaan Maxamuud Qaroole kaas oo ku yaal degmada Waabari.

Weerarka ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay fuliyeen ku dhowaad 10 askari oo ka tirsan ciidamada Asluubta, sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay.

Wararka ayaa sheegaya in askartaas oo watay gaari nooca Cabdi Bile ah rasaas ku fureen guriga taliyaha, balse ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay.

Sidoo kale ma cadda illaa iyo hadda sababta ka dambeysay weerarkaasi iyo u jeedka laga lahaa, laakin waxaa la sheegay ilaalada taliyaha la weeraray ay sameeyeen iska caabin.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in lagu xiray xarunta dabi baarista CID-da askartii ka dambeysay falkaas oo haatan su’aallo dheeraad ah lagu weydiinayo halkaasi.

Weli wax hadal ah kama soo bixin saraakiisha laamaha amniga ee dowladda Soomaaliya oo ku aadan dhacdadaasi.

Inta badan Muqdisho waxaa ka dhaca iska hor imaadyo u dhexeeya ciidamada dowladda, balse waxaa dhacdo ugub ah in ciidamo dowladda ka tirsan ay weeraraan ciidamo kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here