Kenya oo sheegtay inay ka xun tahay go’aankii dowladda Soomaaliya

0
281

Dowladda Kenya ayaa si kooban uga hadashay go’aankii xalay ka soo baxay dowladda Soomaaliya ee ay dalka uga saartay Safiirkii Kenya u fadhiyay Muqdisho Lucas Tumbo, isla markaana u yeeratay Safiirkeeda joogay dalka Kenya Maxamuud Axmed Nuur Tarsan.

Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Arrimaha dibadda Kenya Macharia Kamau ayaa sheegay in Kenya ka xun tahay go’aankaas, isagoo balan-qaaday in labada dal ay si diblomaasiyad uga hadli doonaan go’aankaas.

“Waxaan si rasmi ah uga jawaabi doonnaa wadiiqooyinka ku habboon dhowaan”ayuu yiri Macharia Kamau oo la hadlayay Wargeyska Dailynation.

Xiriirka Soomaaliya iyo Kenya ayaa muddooyinkii u dambeeyay ahaa mid aad u xumaa, iyadoo horaantii sanadkii 2019 ay dowladda Kenya ku amartay Safiirka Soomaaliya ee joogay Nairobi uu dalkiis wadatashi ugu laabto, halka Safiirkeeda u yeertay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here