Qaramada Midoobay oo ka digeysa cunto yari soo wajahday qaxooti ku nool gobolka Tigray

0
58

Qaramada Midoobay ayaa ka digtey cunto yari soo wajaday qaxooti u dhashay dalka Eritrea oo ku jira xeryo ku yaal gobolka Tigray ee dalka Ethioipia.

Qaxooti gaaraya illaa boqol kun oo ruux ayaa la sheegay in ay haysato cunto yari kadib markii muddo ku dhow bil ay xiisad colaadeed ka taagneyd gobolka Tigray.

Afhayeen u hadlay hay’ada qaramada midoobay u qaabilsan qaxootiga Babar Baloch ayaa sheegay in halis weyn ay soo wajahday dadkan qaxootiga ah.

“Xeryaha qaxootiga waxaa ka sii dhamaanaya cuntada waxana baahi ka dhalata arrintan ay sababi kartaa nafaqo darro,muddo bil ah ayay colaadu sii socotaa,waxaana jira warar soo baxaya oo la xiriira afduub iyo qaxotiga ku jira xeryaha in ciidamo si qasab ah loogaga dhigayo.”ayuu yiri Baloch oo u waramayay weriyaasha isagoo jooga magaalada Geneva.

Dowlada Ethiopia ayaa sheegtay inay sheegtay inay waddooyin ammaan ah u fureyso hay’adaha samafalka si loo gaarsiiyo cunto dadka ku nool gobolka ismaamulka Tigray.

Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale waxa ay sheegtay in dad gaaraya labo malyan oo ruux oo ku nool Tigray ay u baahan yihiin gargaar cunto. Dagaalada ka dhacay gobolka Tigray ayaa la rumeysan yahay inay ku barkaceen illaa hal malyan oo ruux dad ku dhow konton kun oo kalana ay u qaxeen dalka Sudan.

Hay’ada Caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas ICRC ayaa ka sheegtay magaalada Mekelle in isbitaalada ay buux dhaafiyeen dad dhaawac ah daawaduna ay gabaabsi tahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here